Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda ganacsiga iyo nabadda ee saldhiggeedu yahay waddanka Australia.
Qiimeynta caalamiga ah ee lagu sameeyay heerka argagixisannimada ayaa dalka Nigeria kaalinta saddexaad ka galiyay 138 dal oo ka tirsan adduunka.
Waddankan oo ah kan ugu shacabka badan qaaradda Afrika ayaa ku xigsaday dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan oo adduunka ugu horreeya dhinaca argagixisada.
Nigeria waxaa ku xigay dalalka Suuriya iyo Baakistaan, halka Soomaaliya ay sare ugu soo kacday heerka dalalka ay saameynta ugu badan ka soo gaarto falalka argagixsannimada.
Dalalka kala ah Hindiya, Yemen, Masar iyo Philipines ayaa sida ay isugu xigaan u kala galay kaalmaha 7-aad ilaa 10-aad.
Soomaaliya ayaa taariikhda ku gashay iney sannadkii 2017-kii noqotay waddanka sare u kaca ugu badan ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyada argagixisannimada ee guud ahaan dunida.
Dhimashada ay sababeen falalka argagaixsada ayaa sare u kacay ku dhawaad 93%, iyagoo noqday 1,470 dhimasho, halkii ay sannadkii ka horreeyay ee 2016-kii ka ahaayeen 762 dhimasho.
Tirada dhacdooyinka la xiriira argagixisannimada ayaa sidoo kale u kordhay si xoog leh, kuwaasoo halkii ay sannadkii ka horreeyay ka ahaayeen 248 dhacdo noqday 369 dhacdo, taasoo ah koror 49% ah.
Inta badan falalka argagxisada ee ka dhacayay Soomaaliya ayaa lagu shegay kuwo ay geysaneysay kooxda Al Shabaab oo qura, taasoo mas’uul ka ahayd 92% oo ka mid ah dhimashooyinka ka dhashay falalka la xiriira argagixsannimada ee dhacay sannadkii 2017-kii.











