Xukuumadda Puntland oo Gobol U Magacawdey Degmada Taleex iyadoo Somaliland hada ka Hor U Magacawdey Gobol.

0
521
Golaha wasiirrada Puntland ayaa galinkii dambe ee khamiistii  ansixiyay gobolka Taleex oo xaruntiisu noqon doonto degmada Taleex.
Gobolka cusub, ayaa la hoos geeyay deegaannada Carooley,God’aalo iyo Sarmaanyo.
Sidoo kale, golaha wasiirrada Puntland ayaa degmo u ansixiyay Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool.
Magacaabiista gobolka Taleex, ayaa ka dambeysay kaddib markii isimmo dhaqan oo deegaanka tagay ay ugu baaqeen xukuumadda Puntland  in gobol loo magacaabo,iyagoo marka sheegay inay codsadeen shacabka deegaanka.
Balse, isla degmada Taleex waxaa horey gobol ugu magacaabay Soomaaliland.