Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala.
War bixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay'adda caalamiga ah ee caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay'adda la socodka...
Wasiirro arrimo dibaddeedka ku jiray Urur gobolleedka IGAD ayaa lagu wadaa in maanta uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo kulanka looga wada hadli doono heshiiska dowladda iyo Mucaaradka Koonfur Sudan iyo xaalada Soomaaliya.
"Shirka waxaa looga wada hadlayaa Qorshaha Heshiiska Dib-u-heshiisiinta ee Heshiiska Khilaafka Koonfurta...
Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay la xiray Shan Askari oo kaamid ah ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaas oo magacyo kala duwan oo aysan laheyn Mushaar ku qaadanayey.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in Askartan la la horgeyn doono Maxkamad maadaama ay sameeyeen...
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya,Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.
Intii kulanku socday ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga...
Yoshitaka Sakurada oo ah Wasiirka Amniga kombiyuutarrada dalka Japan ayaa ka yaabsaday dalkiisa iyo guud ahaanba caalamka kaddib markii uu qirtay in uusan waliggii-ba isticmaalin Kombiyuutar .
"Tan iyo markaan 25 jirka ahaa een madaxa bannaanaa waxaan awaamiir siin jiray shaqaalahayga iyo xoghayeyaashayda. Intaan noolaana waligay kombiyuutar ma isticmaalin," ayuu yiri...
Iyadoo dhawaan la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed dhinaca kalana uu meesha ka baxay madaxweynihii maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan , ayaa la faray golaha Wasiirrada maamulka in ay ilaaliyaan hantida umadda.
Kulan dhaxmaray ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhu-naa Maye iyo golaha Wasiirrada ayaa...
Dowladda Jabuuti ayaa si lama filaan ah usoo dhaweysay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba ee laga qaadday dalka Eritrea.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taasoo ay horgeysay dowladda Ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray.
"Dowladda...
Isku dayga ra’iisul wasaaraha Britain Therese May ay baarlamanka dalkaas uga dhaadhicineyso inay ansixiyaan heshiis ay Britain kaga baxeyso Midowga Yurub ayaa wajahaya caqabad hor leh, kadib markii maanta uu is-casilay wasiirkeedii Brexit, Dominic Raab.
Raab ayaa bayaan uu soo saaray oo uu ku muujinayo sida uu heshiiska uga soo...
Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay magacyada qaar ka mid ah magac-yada raggii ka danbeeyay weerarkii Jimcihii aynu soo dhaafnay lagu qaaday Hotel Saxafi.
Raggan weerarka geystay waxaa ka mid ah Axmed Aadan Mursal oo ku magac dheeraa (Axmed Guduud ) waxaana warbaahinta Al-Shabaab ku hadasha afkeeda ee Andalus laga sii daayay...
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saaray shaqsiyaadka ku labista dareyska ciidamada xoogga dalka ee dadka ku dhibaateeya.
Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe ayaa sheegay in tallaabado adag laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaadka isbaarada ku dhigtay dareyska ciidamada xoogga...


















