Tan iyo Markii uu Soo Ifbaxey Khilaafka Madaxda Qaranka oo Markii ugu Horeysey ay Kulmeen Caawa Gudoomiye Mursal iyo R/w Khayre.

0
590

Warar Xog Ogaal ah oo Nasoo Gaarey Ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha Baralamaanka Max’d Mursal Sheekh iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre ay Wada Kulmeen Kuna Kulmeen Xarunta Hiddaha Tacliinta Sare ee Ku Dhaw Zoope Agagaarka KM5 ee Magaalada Muqdisho.

Madaxda Ayaa Halkaa U Doortey Kadib Markii Mid Kasta Kan Kale Aamini Waaayey Waxaana La Sheegayaa In Aan Wax Badan Lagu Heshiin Hase yeeshee Wada Hadaladu Sii Socon Doonaan,Taas oo Muujineysa Isu Soo Dhawaansho iyo Wada Hadalo Dhexmara Madaxda Qaranka ee Beryahan Ku Kala irdhoobey Goob Shaqo iyo Deegaanba.

Dhawaanahan ayaa Waxaa Soo Baxayey Baaqyo iyo Shirar Mdaxda Looga Codsanayo In Ay Wadahadal Arimahooda ku Dhameystaan Qaanuunka Dalka U yaalana La Dhawro Loona Maro Waxa Leysku Hayo,Hase Ahaatee Wixii kale ee Kasoo Kordha Kulamadan Bilawga ah Waan Idinla Wadaagi Doonaa Insha allaah.