M/weynaha Dalka Ciraaq oo Ka Tanaasuley Dhalasho uu Ka Haystey Dalka Ingiriiska iyo Sida Loo Arkey.

0
490
Madaxwaynaha Ciraaq ,Berhaam Saalix ayaa ka tanaasulay dhalashadiisii Britishka, isagoo fulinaya sharciga dalkiisa ee dhigaya madaxwaynaha inuu wadan baasboor ajnabi ah, afhayenka madaxwaynaha ayaa sidaasi sheegay maalinimadii Axaddii.

‘Isagoo u hoggaansamaya sharciga , madaxwaynaha waxaa uu ka tanaasulay dhalashadii kalle ee Britishka ‘ ayuu yiri Luqmaan Fayli war qoraal ah oo lagu daabacay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA.

Qodobka 18aad farqaddiisa afaraad ee dastuurka Ciraaq ayaa qeexaya ‘Qof walba oo jago sare ka haya hay’adaha ammaanka iyo shaqooyinka kalle ee qaranka waa inuu ka tanaasulaa haddii dhalasho kalle uu haysto, si sharciga uu ugu hoggaansamo’ .
Madaxwaynaha Ciraaq oo xisbiga Kurdiga ku biiray sannadkii 1976-dii ayaa musaafuris ugu maqnaa waddanka Ingiriiska, isagoona ka baxsaday xukun dil ah oo ay riday dowladdii madaxwaynihii hore Ciraaq Saadaam Xuseen, waxaana uu kusoo laabtay gobolkiisa Kurdistan kaddib nidaamkii Saadaam Xuseen markii la riday, isagoona xilal kasoo qabtay Kurdistan, waxaana ugu dambayna madaxwaynaha Ciraaq uu noqday bishii October ee sannadkan.