Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka oo saldhig looga dhigay eedeymo aan hubneyn, waxayna diideysaa faro-gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”.
Riyadh ayaa ka digtay inaysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeerya xushmad darro lagu sameeyo xeerarkeeda, waxayna ku sheegtay in qaraarkan uu farriin qaldan u dirayo dadka doonaya inay khilaaf ka dhex abuuraan xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka.
Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa toddobaadkii diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah.
Senate-ka ayaa meel-mariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo geba-gebeeyo taageeridda faro-gelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji.











