Friday, August 21, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Shirka dhaqaalaha Badaha ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo ay ku suganyihiin hoggaamiyayaal dhowr ah oo shirka ka qaybgalaya. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista...
Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo isimmo kale oo nabadeyn u jooga magaalada Taleex ayaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ka codsaday in gobol loo magacaabo magaalada taariikhiga ah ee Taleex. "Halkan waxaan ka soo gudbineynaa farriin aniga iyo Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, farrinta oo aan wakiil uga nahay dhammaan Isimmadii iyo...
  Ugu yaraan 11 ruux oo uu ku jiro waddaad caan ah ayaa ku dhintay weerar subixii hore ee Isniinta maanta ka dhacay xarun diimeed ku taalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Weerar ayaa ku bilowday qarax, waxaa xigtay rasaas,iyadoo rag hubaysan ay gudaha u galeen xarunta...
https://youtu.be/TdDuPVuzpkc Ninkan Caanka ah oo Dadku Fekrado kala Duwan ka Aamin Sanyihiin ayaa Waxaa Lagu Magacaabi Jirey Shekh Cabdiweli Sida aad ka Dheehan karto Deegaanka oo Dhan waa La Burburiyey Goobta ayaana Lagu Diley isaga iyo Qaar kamid ah Xertiisa iyo Caruur uu Isagu Dhaley Sida Lasoo Sheegayo. Ciidamada Amniga Magaalada...
Musharixiin markii hore ku midoobay golaha Isbadal-doonka Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo goor dhaw oo maanta ah ku dhawaaqay in ay u tanaasuleen islamarkaana musharaxoodu yahay doorashada soo socta Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Masuur. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayeey golaha ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya fara-galin...
War ka soo baxay xafiiska maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu beeniyay eedeyntii ku jirtay warbixinta Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka u jeediyay ee ku xusnaa in illaa 16 Milyan oo dollar la musuq maasuqay. Qoraalka ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa u dhignaa sidan : Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka falcelinaya...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed mar kale guddoon-siiyeen Shahaatadda musharax-nimadda. Maalmiihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya cadaadis ku saareyso guddigga sidii doorashada looga reebi lahaa Mukhtaar Rooboow oo horay qoraal ka soo...
Robert Mugabe madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe oo hadda 94 sano jir ah ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad. Waxaa la sheegay in hadda lagu daweynayo muddo labo bilood ah isbitaal ku yaala dalka Singapore sida uu meel fagaaro ah ka sheegay madaxweynaha dalkaasi Zimbabwe Emmerson Mnangagwa. “Dabcan isagu hadda waa oday...
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada qalalaasaha wata ee dabayaaqada todobaadkii labaad ka dhacaya guud ahaan waddankakaasi. Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka soo horjeedaan kharashka lagu kordhiyay canshuurta laga qaado shidaalka. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa meesha ka saaray dalabka dadkii dhigayay dibdabaxa, kuwaa oo ka cabanayay qiimaha shidaalka...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo kullan ku yeeshay madaxtooyada Uganda ayaa waxay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan labada dal iyo guud ahaan gobolka. Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda...