Isbitaal Banaadir oo Wasaaradda Caafimaadka DFS La Wareegtey,Maamul Cusubna U Sameysey.

0
611

Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana wasaarada isbitaalkan u magacawday maamul cusub.

Wareegto ka soo baxday Wasaarradda ayaa lagu kala  diray maamulkii hore ee Isbitaalka, Waxaana Wasaarada soo magacawday  Agaasime cusub iyo sidoo kale guddiga Maamulka iyo Kormeerka Isbitaalka  Banaadir.

Wasaarada ayaa ku wargalisay Wasaaradaha , hay’addaha dowliga iyo kuwa  aan dowliga aheynba in hada waxii ka dambeeya Isbitaalka Banaadir kala  xiriiri karaan maamulka cusub ee loo sameeyay.