Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay Warqad ay ku saxiixan yihiin toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka.
“Warbixin guddi...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaadhay jiida hore ee deegaanka Tuko raq ee ciidamada Militariga Somaliland fadhiisinka u ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka militariga Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa salaam...
Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ilaa 10 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay weeraro dhabo-gal ah oo ka dhacay dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dexe.
Sidoo kale weerarkan ayaa la sheegay in miino ay la qaraxday baabuur nooca raaxada ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.
Maalmihii...
Wasiirka Wasaarrada Maaliyada xukukumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta tagay xarunta Golaha Shacabka ayaa iska difaacay eedeyntii ay dhawaanta soo jeediyeen guddiga Maaliyada.
Wasiirka ayaa sheegay in lacag 50 milyan ah oo uu Sacuudigu soo dhiibay aysan ku soo dhicin Bankiga dhexe isaga oo intaa ku daray in lacagtaa...
Dowladda Britain ayaa waxa ay qaaradda Afrika ugu yaboohaysaa lacag dhan 50 milyan oo giniga Istarliinka ah oo u dhiganta 64 milyan oo doolar si ay gacan uga gaysato joojinta gudniinka fircooniga.
Lacagtan oo la isticmaali doono shanta sano ee soo socota ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu joojiyo oo...
Ilaa 10 xubnood oo ka tiran guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid islamarkaana sheegay in aysan waxba kala socon warbixintii dhawaan ay shaaciyeen xubnaha guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada u qaabilsan Golaha Shacabka.
Qoraal ay xubnahan u qoreen guddoonka Golaha Shacabka ayeey ku sheegeen in ay cabasho ka yihiin...
Xaflad ka dhacday galinkii dambe ee Jimcihii shalay meel aan sida uga fogeyn xeebta badweynta hindiya ee deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa lagu daahfuray dhismaha deked laga hirgelinayo Garacad oo howsheedu muddo socotay.
Waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , xubno ka mid ah golayaasha xukuumadda...
Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah xalay ku dileen halkaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaasi ku nool.
Ninkan dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Hillaal Xirsi Jaamac ayaa gaar ahaan dilkiisa waxaa uu ka...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashig iyo wadajirka.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga,...
Safiirka cusub ee Mareykanka uu u magacaabay Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in uu dib ugu guurayo Soomaaliya ilaa horaanta bisha December ee sanadkan sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA.
Wuxuu sheegay in arinta aysan aheyn oo kaliya Muqdisho laakiin guud ahaan ay ka...


















