Deegaanka Kaxandhaale ee G/galguduud oo Maanta Xaaladiisu Daganeyd kadib Dagaalo Ka Dhacey Shaley.

0
711

In ka badan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen Carruur iyo Haween ayaa ku dhintay dagaal culus oo maalintii shalay deegaanka lagu magacaabo Kaxandhaale oo dhaca xadka gobolka Galguduud iyo Ismaamulka Soomaalida ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa mid culus oo labada dhinac isku weydaarsanadeen hub kala gadisan, xili sida uu sheegay in deegaanku qof waliba uu mashquul ku ahaa howl-maalmeedkeedii caadiga ahaa.

‘’Dagaalka wuxuu dhacay xili magaalada aysan-ba ka sii war heyn wax colaad ah, cid kastana ay ku mashquulsaneyd howl-maalmeedkiidii caadiga ahaa ayeey mar kaliya rasaastu bilaabatay’’ ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay warbaahinta.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay ku dhinteen ilaa 7 ruux oo ay ka mid ahaayeen Haween iyo Carruur, isaga oo intaa ku daray in dhinaca kale uusan ka war heyn tirada dadka ka dhintay dhinac kale.

Xaalada ayaa hadda saakay degan, waxana ay dadka deegaanku ku waramayaa in qoysaka qaarkood ku mashquulsan yihiin sidii ay u aasi lahaayeen dadkii ku dhintay dagaalkii shalay.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa soo xiga dhinaca gobolka Galguduud waxaana jira eedeymo dadka deegaanka u jeedinayaa dhinaca kale ee Ismaamulka Soomaalida oo ay leeyihiin waxaa laga soo qaaday weerarka.