Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor horeba sii sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada sanadka 2020-2021ka.
Waxaa uu sheegay in uu mar kale u tartami doono xilka madaxweynaha Soomaaliya si dalka looga badabaadiyo Al-Shabaab iyo Kooxaha kale, madaama...
Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay xalay weerar ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degenaa xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan oo ka mid ah baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.
Weerarka oo loo adeegsaday Bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux, kuwaa soo loola cararay Isbitaalka weyn ee...
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wafdiga, guddoomiyaha Baaralamaanka Puntland iyo mas'uuliyiin kale.
Guddoomiyaha golaha aqalka sare oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed oo hal...
Dawladda Venezuela iyo Mareykanka oo Khilaaf Ba’an Soo Kala Dhexgaley iyo Xaaladdu Halka ay Mareyso.
Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxaysa dowladda Venezuela iyo dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó uu u aqoonsan yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah.
Hadalka Mareykanka ayaa yimid kaddib markii 35-sano-jirkaasi uu shalay caasimadda Venezuela ee Caracas kaga dhawaaqay inuu yahay...
War saxaafadeed kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool dowlad deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah.
ONLF waxay sheegtay in shacabka Soomaalida ay heystaan xoriyadda ah cidda...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta horgeeyey Golaha Wakiillada Puntland codsi muddo kororsi ah oo ku saabsan magacaabidda Golaha Xukuumadda Puntland, muddada uu Madaxweynuhu ka codsaday Golaha Wakiillada Puntland ayaa dhammayd 14 cisho.
Fadhiga oo ay soo xaadirtay 66da xildhibaan ayaa waxaa shir guddoomku ahaa afhayeenka Baarlamaanka, Cabdixakiin Maxamed...
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka cusub ee Itoobiya u joogi doonna Somaliland Amb:Shamsudiin Axmed Rooble.
Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Somaliland.
“Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay goob gaadiidka lagu baaro oo ay joogaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Isgoyska Carwo Itko, waxaana lagu waramayaa in qaraxa oo...
Shirweynahaan Qaran ee isdhaxgalka ganacsiga oo u dhaxeeya ganacsatada Dalalka Soomaaliya iyo Finland ayaa daba socday mid kan ka horeeyay, kaasi oo lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaana hogaaminayey Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha XFS oo ay wehlinayeen Wasaaraddaha Qorsheynta iyo Maaliyadda.
Shir weynahaan Qaran ayaa waxaa isugu yimid...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in howlgal xalay halkaa ka sameeyeen ciidamada Amaanka lagu soo qab qabtay ganacsato ku eedeysan in ay taageeraan Al-shabaab.
Ciidamada ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka ee isaga kala goosha magaalada Jowhar...


















