
Ciidamada Dowlada Kenya ayaa Maalinkii shalay Ahaa si lama filaan ku noqotay mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee Somalia uga baxay magaalada Faafax-dhuun ee Gobolkaas Gedo, oo ay fariisimo muhiim ah ku lahaayeen magaaladaasi.
Kadib Markii Ay Ciidamada Dowlada Kenya Ka Holeesadeen Magaaladaasi Ayaa markiiba Waxaa Soo Gaaray Goobahay Ay Faarujiyeen Dagaalyahano Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab Oo Markiiba la wareegeen iyadoona shacabka ku nool magaaladaasi ay durbadiiba soo wajahday cabsi ah in ay dagaalo ama duqeymo ay ka geestaan diyaaradaha dowlada kenya .
Sidoo Kale Waxaa jirta cabsi ah inay sidaasi oo kale ciidamada Kenya ka baxaan magaalada Busaar oo ay kaga harsan yihiin Gobolka Gedo iyadoona aysan weli wax war ah kasoo bixin dowlada kenya kaasoo ay kaga war bixinayaan ka bixitaanka deegaanadaasi.










