Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Wafdi Uu Hogaaminayey Oo Booqasho Gaaban Ugu Amba Baxay Magaalada Geneva.

0
535

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arimaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Geneva, waxa uu hadal ka jeedin doonaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka isagoona kulamo doceedyo la qaadan doona madaxda ka qeyb galaysa shirka.

Si kastaba ha ahaatee safarkan uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu amba baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa kusoo beegmaya Xili xukuumadda uu Ra’iisul wasaaraha ka yahay aanay wax badan ka qaban ciribirka shaqo la’aanta.