Wareegta ka soo baxday madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in la hakiyay ballamadii iyo kulamadii madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Ma cadda muddada la hakiyay la kulanka madaxweyne Deni, balse waxaa ay ku soo aadday xilli uu madaxweynaha ku gudajiro la tashiyadii u dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo golaha...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa lagu wadaa in saacada soo socda uu soo gaaro magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wali rasmi ahaa lama shaacin ujeedada socdaalkiisa, laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu kulamo kala duwan la qaadan doono...
Afar maalmood kaddib magaalada Jigjiga waxaa laga qaaday Bandowgii ay horay uga soo rogeen hay’adda amaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Bandowga ayaa ahaa mid mamnuucayay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Jigjiga xiliyada habeenkii si loo sugo amniga, loona xakeemo rabashado dhimasho sababay oo qomiyado ku saleysnaa kana...
Taliska ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay in uu gacanta ku dhigay hub ay leeyihiin Al-shabaab kaddib markii ay howlgal ka fuliyeen degaanka Forsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay ciidamada bur-buriyeen goobo Al-shabaab...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi, ayaa ka qeyb-galay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow sheegay Puntland inay qaadeyso tallaabo jawaab u ah dilka maareyaha dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa.
Madaxweyne Deni, ayaa tacsi u direy qoyska maareyaha geeryooday iyo shirkadda P&O Ports ee gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso, wuxuuna falka ku...
Tan iyo intii xilka la wareegeen xukuumadda Muuse Biixi waxa la hadal hayey in deyn lagu wareejiyey iyo in kale, taas oo la qarinayey, maadaama sharafta xisbiga taladda la kala wareegay la ilaalinayo, isla markaana aan lagu dhaliilin xukuumaddii hore deynta badan ee ay wareejisay.
Hasse ahaatee dadka shacabka ahi...
Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa xaflad daahfur ah u sameeyey dhakhaatiir ajanabi ah oo hawlgal caafimaad ka bilaabi doonna miyiga fog ee Somaliland, kuwaas oo sita qalabkii lagu fulin lahaa qaliinadda oo gaadiid waaweyn ku rikiban.
Hay’addan mashruucan qaliinka ka fulinaya dhulka miyiga ah ayaa la yidhaahda Mission to Heal,...
Wararka ka imaanaya degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu halka ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Gaariga qarxay ayaa la dhigay hareeraha waddada hormarta dhismaha ganacsiga ah ee Mogadishu Mall oo ku dhow xarunta dowladda Hoose ee...
Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Cabdullaahi Goodax Bare ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, wuxuu wasiirka uga mahadceliyay danjiraha booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka waxbarashada waxa uu sheegay in uu kala hadlay...


















