Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad ka jeedinayay shirka Jihaynta siyaasadda Xukuumadda Puntland ee maanta ka frumay magaalada Garoowe ayaa soo hadalqaaday dhaq dhaqaaqa ciidan ee maamulka la magacbaxay Somaliland uu kawado deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Madaxweyne Deni oo dhaqdhaqaaqaasi ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dowlada Puntland ay si dhow ula socoto daandaansiga iyo duulaanka qaawan ee uu wado maamulka Somaliland ,waxa uuna cadeeyay mawqifka shacabka iyo dawladda Puntland kaga aadan dhaq-dhaqaaqaasi.
Maalmihii u dambeysay waxaa socday dhaq dhaqaaq iyo gardaro duulaan horleh oo maamulka Hargaysa uu isku dayayo in uu dhulka Puntland kusoo weeraro, runtii dulqaad badan ayay dadka reer Puntland muujiyeen marar badan oo hore iyadoo ay ixtiraamayaan deris wanaagga iyo wada nolaanshaha geyiga ,waxaase nasiib darro in ay sii kordhaan dhaqdhaqaaqyada, waxaan runtii halkan uga jeedinayaa shacabka Puntland in ay sharaftooda iyo karaamadooda dhowraan ,deegaanada iyo dadkoodana Difaacaan ciddii isku dayda xadgub ay kala kulmi doonto waxa ay kasoo raadsatay Puntland
Madaxweyne Deni ayaa hadalkiisa kusoo beegay xili saacado ka hor ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay la wareegeen deegaanka Yube oo ka tirsan gobolka Sanaag iyadoo sidoo kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo deegaanadaasi ka soconaya maanta.












