Weerar ka dhacay dekedda Boosaaso ayaa lagu soo warramaya in lugu dhaawacay madaxa u qaabilsan dekedda Boosaaso shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarka,iyadoo sarkaal la hadlay Warbaahinta Qaar kamid ah uu sheegay weerarka inuu fuliyay Nin ku hubaysan bastoolad oo isku soo...
Labadan nin lagama garanayo madaxweyenaha Philiphine,Rodrigo Duterte iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, aad ayay ugu egyihiin muqaal ahaan iyo socodba, waxaa lagu arkay labadan nin waddooyinka magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha iyagoo sawirro isla galaya oo wada fadhiyo maqaaxi ku taalla halkaasi.
Dadkii ku dhawaa labadan nin ayaa...
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.
Kulanka ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee...
Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Hiiraan Online uga waramay kulamo maalmihii ugu danbeeyayba u socday mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka Cawad oo kulan kula yeeshay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya dhiggiisa dalka Kenya , ayaa sheegay in kulamada dhinac muhiim...
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin Jian.”ayuu yiri...
Xafiiska ciidamada xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada sida ayaa si toos ah u sheegay in ay jiraan hub ay leeyihiin ciidamada qalabka sida oo qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.
G/Sare C/llaahi Buule Kamey oo ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada ayaa sheegay in kiiska ugu badan ee la soo...
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa digniin culus kasoo saartay Saraakiisha ciidamada dowladda ee hubka sharci daradda ah ku heysta guryahooda, sidda uu warbaahinta u sheegay xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Gaashaale Sare Cabdullaahi Buule Kamey.
Cabdullaahi Buule ayaa intaa ku daray in tilaabo laga qaadi doono cidii lagu helo, iyadda oo sifo...
Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Gaar ahaan duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Gendarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ayuu sheegay Mareykanku in ay ku dileen 13 dagaalyahan...
Sida ay sheegtay warbaahinta dalka Suuriya ugu yaraan 11 qof oo afar kamid ah ay caruur yihiin ayaa ku dhintay dhisme uu dagalka dalkaasi waxyeelleeyey oo ku dumay magaalada Aleppo.
Hal canug oo kaliya ayaa ka badbaaday dhismahan oo ku dumay xaafadda ay fallaagadu haysan jireen ee Salaheddin, taas oo...
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al-shabaab xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada.
Dadka degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ku soo tooseen dhawaqa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen ciidamada dowladda...


















