Banaan Baxan oo La Filayo in uu Ka Dhaco Gudaha iyo Debedda Dalka Soomaaliya 14ka Bishan aynu ku Jirno ayaa Waxaa Looga Soo Horjeedaa in Wadahadal Laga Galo Badda Soomaaliya Taas oo Dalka Kenya Muran Gelisey Biyaha Soomaaliya ee Xuduudka Labada Dal,Waxeyna Dadka Soomaaliyeed Meel Kasta oo ay Joogaan Inta Afka Soomliga Ku Hadasha ay aad Uga Soo Horjeedaan In Wadahadal Lagu Dhameeyo Muranka Beenta ah ee ay Wadato Dawladda Kenya.
Hore ayaa Dawladda Soomaaliya Dacwad ugu Gudbisey Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ Muranka Kenya Taas oo Dawladda Kenya Dalbatey In Dacwadda La Joojiyo Wadahadalna Arinka Lagu Dhameeyo Iyadoo Sheegtey in Dhawaan Dawladda Soomaaliya Soo Bandhigtey Sahanka Khayraadka Shidaal ee Ku Jira Meelo ay Sheegtey In Lagu Muransanyahey Lahaanshahooda Kadibna ay Qaadey Talaabo Dublamaasiyadeed oo ay ku Dooneysey in La Wada Hadlo Waxeyna U Yeeratey Safiirkeedi Muqdisho Fadhiyey Halka ay Safiirkii Soomaaliyana Ku Amartey in uu Dalkaeeda Isaga Baxo.
Khilaafkaas Dartiis ayaaa Waxaa Arinta Soo Dhex Galey R/wasaaraha Ethiopia Abey Ahmed oo Nairobi ku Kulansiiyey Madaxweynayaasha Labada Dal Waa M/weyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo M/weyne Uhuro Kenyatta Taas oo Dadka Soomaaliyeed Tuhumo Gelisey Kadib Markii Warbaahintu Warar Kala Duwan Ka Qoreen Kulanka Labada Madaxweyne,Taas oo Keentey in Dadka Soomaaliyeed Si Iskood ah U Muujiyaan Dareen kooda Ku Aadan Muranka ay Waddo Dawladda Kenya.
Waxaana La Filayaa In Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka UK iyo Xisbiyada Ka Jira Gudaha Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay ka Dhacaan Debedbaxyo Nabadeed oo Dareenkooda ay Ku Cabirayaan Sida uu Noo Xaqiijiyey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Ahna Xiriiriyaha Axzaabta Siyaasada Soomaaliya Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Maanta Warbaahinta Kula Hadlayey Magaalada Muqdisho.












