Wednesday, August 19, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay la gaaray heshiis hub ka dhigs ah Jabhadda ONLF, taasoo loo arkayo heshiiskii ugu weyn oo dhaxmara labada dhinac. Sidoo kale Jabhada ayaa ogolaatay in ay kala shaqeyn doonto dowladda sidii loo dhameyn lahaa Saboolnimada, ku Xadgudubka Xuquuqda Aadanaha iyo waliba...
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 08 Feberaayo waxaa u dhamaatay Labo sano dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dad badani rajo ka qabeen marka loo eeg dowladdihii ka horeeyay. Dowladda guud ahaa marka dusha sare laga eego  howsheedu ma yara, laakiin haddana dhinaca kale dadka...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay dariiqa loo maro darrajo bixinta ciidamada iyo dalacsiinta saraakiisha, ayaa sheegay in marmarka qaar si qalad ah arintaan ku dhacdo. Madaxweynaha ayaa sheegay in bixinta darrajooyinka la siyaasadeeyo iyada oo laga faa’ideysanayo ayuu yiri culeysyada siyaasadeed ee dalka...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda garsoorka dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay...
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in gaadiid xamuulka qaada lagu gubay deegaanka Doonka oo ka tirsan gobolka waxaana la sheegay in falkaasi ka danbeeyeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab. Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkan lag gubay oo sida dhuxul jidgooyo u dhigteen dagaalyahanno ka...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay xiritaanka shirkii arrimaha Garsoorka ee Muqdisho ku soo dhamaaday ayaa soo hadal qaaday hadal heynta shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmaya magaalada London. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirka London yahay Bandhig Carweed dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku...
Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan. Xildhibaanadan ayaa la sheegay in ay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid...
Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mar kale isku –shaandheyn ku sameeyay xubnaha golihiisa Wasiirradda, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay uu wajahayay madaxweynaha culus uga imanayay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle. Isku-shaadheyntan ayaa saameysay Wasirradda, Wasiirru-dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeennada oo intooda badan ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana muuqata...
Dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay Diblomaasiyiinta qunsiliyadda Soomaaliya ee magaalada Jiddah, kaddib qoraal ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda. Amar ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu faray dhamaan diblumaasiyiinta iyo u qayb-sanayaasha qunsiliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay magaalada...
Maanta oo Khamiis ah taariikhdu tahay 07 bisha Feberaayo 2019ka ayaa lagu wadaa in magaalada London uu ka furmo shirka looga hadlayo shidaalka Soomaaliya, oo maalmihii ugu danbeeyay hadal heyntiisu ku badneyd baraha bulshada iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta. Magaalada London waxaa gaaray oo ku sugan kana qeybgalaya shirka...