Madaxweynaha Jabuuti Oo Khudbad U Jeedinaya Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

0
568

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay gaaray magaalada Muqdisho ayaa maanta la filayaa in uu khudbad u jeediyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro kulan wadajir ah oo khudbad uu ugu jeedin doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa la filayaa in madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qeyb galaan kulankan iyadoona uu noqon doono kulankan mid xasaasi ah oo mudo sanad ah kadib ay isku arki doonaan madaxda dowlada iyo xildhibaanada labada aqal.

Dhinaca kale kulankan ayaa dhabbaha u xaari doonaa isfaham laga gaaro khilaafka xiligan u dhexeeya gudoonka iyo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo horey uu khilaaf sababay wadashaqeyn la’aan soo kala dhex galay.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Soomaaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa doonaya in uu heshiis kala dhex dhigo gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka xili uu horey u sheegay in uu ka odeyayn doono khilaafkan.

.