Wednesday, August 19, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Turkiga ayaa cambaareeyay hanjabadda iyo cabsida Shiinuhu ku haayo dadka muslimiinta ah ee qabiilka Wiguuru (Uighur), taas oo la tilmaamay in ay  ceeb ku tahay xagga bini aadanimada. Hadal uu maalinimadii shalay baahiyay Afhayeen u hadlay Wasaaaradda  Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hami Aksoy ayaa lagu sheegay...
Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Suda ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UNku leeyihiin. Gaar ahaa shilkan ayaa ka dhacay xero ku taala Abyei oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan, lamana sheegin ilaa...
Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya casho sharaf ugu sameeyay madaxda Africa ee halkaa u jooga ka qeybgalka shirka midowga Africa oo maanta furmaya. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka mid ah madaxda ku sugan Addis Ababa ee halkaa shirka uga...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan xalay ku dileen Waqooyiga magaalada nabaddoon ka mid ahaa waxgaradka gobolka Mudug. Nabaddoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Maxamed Cabdi Bale, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay. Ciidamada Amaanka ayaa saakay ka wada qeybo ka...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guiteres oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha waxaa kulanka dhankiisa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo...
Madaxda Dekedda iyo Ganacstadda uu u raran yahay Markabkaasi waxaa ay sheegeen inu u Dekedda Muqdisho ku xoo xirtay Markab weyn oo ay saaran tahay 40,000 oo Tan oo Sokor Nadiif ah. kaa laga soo weeciyay dekedda Mambassa ee dalka Kenya. Arrintan ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan...
Nin u dhashay dalka Kanada oo misaajid ku yaalla magaalada Quebec ku dilay dad misaajidka ku cibaadeysanayay sanadkii 2117-kii ayaa lagu xukumay xabsi daa'in. Balse waxaa lagu xukumay 150 sano taas oo ah xukunki ugu adkaa ee laga fuliyo dalka Kanada. Markii xukunka lagu ridayay madaxa maxkamadda ugu sareeysa dalkaasi ayaa...
Waa fekir rajo badan laga qabay oo la aaminsanaa in uu yahay mid leh mustaqbal wanaagsan, balse markii dambe sababay in dadkii ay shaqeysan wayaan. Lacago bilaasha ah oo qof walb ay dowladu siiso qaar kamid ah dadka aan shaqeysan ayaa loogu yeeray dakhliga aas aasiga ah, hasayeeshee tijaabadii ugu...
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen 48-diii saac ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan ururka Al-shabaab. Sida uu sheegay, Maj. Gen. Gregg Olson, madaxa howlgalada AFRICOM, duqeymaha ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda...