Degmada Galdogob eeGobolka Mudug oo ay oo Gaareen Wafdi Ka Socda Puntland.

0
591
Wafdi ka socda xukuumadda cusub ee Puntland ayaa booqashadii ugu horreysay ku gaaray degmada Galdogob iyo deegaannada ku dhow,iyagoo u koorgalaya xaaladda deegaannada.
Wafdiga ayaa isugu jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyada, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Xildhibaanno.
Sidoo kale, wafdiga waxaa uu booqday kastamka Tuurdibi oo ku yaalla degmadda Galdogob ee gobalka Mudug,iyagoo warbixin ka dhageystay maamulka kastamka Tuurdibi oo ah deegaan gacansi oo loo diyaariyay inuu xudun u noqdo ganacsiga gobollada iyo Itoobiya.
Muddada ay deegaannada ku suganyihiin wafdiga ayaa lagu wadaa inay goobjoog u noqdaan mashaariic horumarineed oo laga dhagax dhigayo degmada Galdogob.