Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Muqdisho Ku Dilay Wiil Mooto Bajaajle Ah.

0
434

Askari ka tirsan ciidanka Dowladda ayaa meel ku dhaw isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay Wiil Mooto Bajaajle ahaa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan kahor inta aanu falka dhicin inay wada murmeen askariga iyo marxuumka la toogtay.

Wiilka Mooto Bajaajta watay ee la dilay ayaa doonayay inuu maro wadada oo xirneyd, intaasi kadibna askariga uu furay rasaas.

Askariga dilka geystay oo ka tirsan ciidanka Booliska ayaa la sheegay wiilka Dhalinyarada ah in uu ka toogtay madaxa, islamarkaana uu goobta ku ruq baxay.

Ciidamo Boolis ah oo ka akdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku baxay falkan, waxayna ku daba jiraan gacan ku dhiiglaha dilka geystay oo baxsad ah.

Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan dilka ah ee askarigan uu kula kacay ruuxa watay Mooto Bajaajta oo aan waxba galabsan.

Dilalka loo geysanayo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ayaa ku soo batay Muqdisho, iyada oo dilkan uu noqonayo midkii Saddexaad ee dhaca bishan gudaheeda.

.

.