Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Qarax Miino Lagula Eegtay Degmada Garas-Baaley.

0
524

Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa qarax Miino lagula eegtay Deg. Garas-baaley gaar ahaan aagga Weedow.

Qaraxan oo ka dhashay miinada nuuca dhulka la geliyo ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidanka AMISOM, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxan ayaa keliya ku kooban dhaawaca Laba Askari iyo burbur xoogan oo soo gaaray gaariga la beegsaday, iyada oo intaas kadib ciidanka AMISOM rasaas ay fureen ku dhaawacmeen Laba qof oo rayid ah.

Masuuliyiinta Deg. Garas-baaley ayaa waxa ay inoo sheegeen inay goobaha caafimaadka geeyeen rayidka dhaawacmay, islamarkaana AMISOM ay kula xisaabtami doonaan dadkan ay dhaawaceen.

Waxay kaloo inoo sheegeen masuuliyiinta Deg. Garas-baaley inay wadaan baaritaan ku aadan Qaraxan, wixii natiijo ah ee ka soo baxana ay la wadaagi doonaan warbaahinta.

7-dii bishan ayaa qarax midkan la mid ah isla Weedow waxaa lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM, xilligaasi oo ay ka dhaawacmeen 5 askari.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa qaraxyo la eegta ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM marka ay ku safrayaan banaanka Magaalada Muqdisho.

.

.