Wednesday, August 19, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

  Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka. Ciidamada tababarka loo soo...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho oo sida goobjoogayaal sheegeen ahaa nooca gaadiidka lagu dhejiyo. Gaarigan oo ku qarxay Laami yaraha Zoobe waxaa saarnaa qofkii watay oo kaliya oo sida la sheegay ku naf-waayay qaraxa. Ciidamada dowladda ayaa markiiba tagay goobta uu...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka, taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka. “Dowladda Soomaaliya waxaa...
Xarrakada Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhiga gaari dagaal oo sida ay sheegeen dhawaan kala wareegeen ciidamada dowladda kaddib dagaal ku dhaxmaray deegaanka Jaziira ee dulleedka Muqdisho. Gaarigan oo ah nooca Cabdi Billaha ayaa waxa saaran mid ka mid ah qoryaha dagaalka ee Dhashiikaha, waxaana ka muuqda astaanta ciidamada xooga...
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa si toos ah ugu baaqay in ay is casisho Ilhaan Omar oo ka mid ah xubnaha Congress –ka kaddib qoraalkeedii loo arkay Yahuud naceybka oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter –ka. Wuxuu sheegay madaxweyne Trump in Yahuud naceybku marnaba boos ku laheyn Congress –ka gudihiisa, sidaa...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba ku soo badanayeen falalka ka dhanka amniga gaar ahaan dilalka qorsheysan. Howlgal xalay ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ayeey ku soo qabqabteen boqolaal dhalinyarro ah oo leysugu geeyay...
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi. Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bella Bird ay ka wada hadleen horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed...
Golaha Xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe. Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha  Puntland ,Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur,...
Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida laga soo xigtay saraakiisha. Dilkan oo loo adeegsaday bastoolad ayaa xalay ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha ugu mashqulka badan magaalada Boosaaso, sida ay goobjoogayaal sheegeen.Wararka ayaa inta ku...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba...