Wednesday, August 19, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al...
Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Howlgalka ciidanka nabad ilaalinta AMISOM kala wareegtay kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa...
Dowlada Kenya ayaa wax ka bedashay hadaladii hanjabaada ahaa ee maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxayey Nairobi, kadib kulan dhexmaray Golaha Amaanka iyo Wasiirada Arrimaha dibada ee Kenya. Monica Juma Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Kenya ayaa Arbacadii shalay wareysi ay siisay warbaahinta Kenya ku sheegtay in ay diyaar u yihiin wadahadalka...
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar ayaa Maanta la filayaa in uu kulan gaar ah la yeesho Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar ayaa Labada masuul waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco uu horgeeyo xildhibaannada Baarlamaanka Golaha Wasiirradda uu dhawaan ku dhawaaqay. Kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa furmay Isniintii la soo dhaafay, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye uu xildhibaanada ku...
Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, isaga oo Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota. Kaddib marki lasoo gaba gabeeyay Talaadadi tirinta codadka marka laga reebo hal gobol, ayay guddiga doorashada sheegeen in Mohammadu Buhari uu aad ugu horreeyo ninka la tartamayay...
Xukuumadda Hindiya ayaa sheegaysa in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadday kooxo mintidiin ah oo ku sugan dhulka Pakistan ayadoo muran xooggani uu u dhexeeyo labadaas dal. Wasiir katirsan Xukuumadda Hindiya ayaa sheegay in duqaymaha ay ku bartilmaameedsadeen saldhig wax lagu tababaro oo ay leedahay kooxda Jaish-e-Mohammad oo kuyaal...
Qaraxan oo ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda ayaa qabsaday gaari SURF ah oo ay wateen Sarkaal ka tirsanaa Millatariga Somaliya iyo Afar ka mid ah ilaaladiisa. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxan ay ku geeriyoodeen Sarkaalka iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa, halka hal Askarina...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa. Guddoomiye Yarisow oo ugu hambalyeeyay Danjire Khalafallaah xilkan dhawaan loo soo magacaabay ayaa u sheegay in uu kala kulmayo Maamulka iyo shacabka Caasimadda soodhaweyn wanaagsan, muddada uu...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Qatar, waxaana halkaasi...