Barlamaanka Federalka Soomaaliya oo Maanta Markale Baaqdey Kadib Koram La’aan.

0
574

Barlamaanka Federalka Soomaaliya Ayaa Markii Labaad Maanta Furmi Waayey Kadib Markii ay Soo Xaadiri Waayeen Xubnihii Tiro ahaan uu ku Furmi Lahaa Iyadoo Qaar Xildhibaanada Kamid ahi Ku Doodeen In Xukuumadu ay Lug Jiideyso Furitaanka Barlamaanka Iyadoo Ka Cabsi Qabta In Lala Xisaabtamo oo Wax Laga Weydiiyo Arrimaha Amniga Muqdisho.

Xildhibaano Gaaraya Illaa 17 ayaa Soo Gudbiyey Sabtidii In Ajendaha Lagu Daro Qodobka Arrimaha Amniga Taas oo Keentey In Barlamaanku Buuq Ku Kala Tago Koramkuna Buuxsami Waayey Iyadoo maantana uusan Ajendaha Ku jirin Qodobkaasi oo Laga Saarey.

Gudiga Joogtada Ah ee Barlamaanka iyo Xildhibaanadaba Ayaa Dadka Badankoodu U arkaan kuwo Sacab ku Filan oo aan Laheyn Metelaad Shacab Waxna aan Diidi Karin Wax Kasto oo Loo Keeno Hore Ka Aqbala Iyadoo Loo Aaneeyo Arintaas In Xildhibaanadu U Badanyihiin Qurba Joog Shaqo Soo Doontey Wax Dan ahna aan ka Laheyn Dhibaatada Shacabka Haysata iyo Geeri Wadareedka Maalin kasta Hortooda Ka Dhacaya.