Mudaharaad Mooto Bajaajleydu Maanta Ka Dhigeen Muqdisho oo Looga Cabanayo Dilka Askarta Dawladdu U Geysato.

0
703

Isgoyska KM4 waxaa isku socodka dadka iyo gaadiidka xayiray dibadbax ay dhigayaan Darawalada ku shaqeysta gaadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka, kuwaa oo ka cabanaya dilalka joogta noqday oo ay ciidamada dowladda ku hayaan.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha dowladda Soomaaliya waxaa uu mid ka mid ah darawalada Mooto Bajaajka uu ku dilay degmada Waabari, taasoo caro weyn ku abuurtay dhalinyarada ku shaqeysatay gaadiidkan.

Falka lagu toogtay darawalka waxaa ka hadlay duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo sheegay in askariga toogashada geystay lagu magacaabo Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha ay ku raad joogaan ciidamada Amniga.

Dibadbaxan ka soconaya Isgoyska KM4 ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka oo markii horeba dhibaato ku qabay xirnaashaha jidadka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa siweyn loogu eedeeyaa in dilalka darawalada ku shaqeysta gaadiidka yar yar ee Bajaajka, kuwaa oo qaarkood loo dilo lacago sharci darro ah oo ay ka biyo diidaan in ay siiyaan ciidamada dowladda.