Wasiirka Dhalinyarada Dowlada Somalia Oo La Kulantay Danjiraha Qatar Ee Somaliya

0
510

Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay kula kulantay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Muqdisho.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay qaabka dowladda Qadar ay gacan uga geysan laheyd horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay kulanka inuu ku soo dhamaaday hanaan wanaagsan oo is afagarad ah, kadib waxyaabihii labada dhinac ay ka wada hadleen oo hagaagay.

Qoraal koobban ay soo dhigtay boggeeda Facebook Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxa ay ku tiri.

“Waxaan saakay la kulmay danjiraha dowladda Qadar u joogo Soomaaliya Amb, Xamsa waxaan ka wada haddalnay sidii loo horumarin lahaa Sports-ka Soomaaliya iyo dhallinta, wuxuu ahaa kulan lagu lafa-guray qaabka ugu habboon ee loo horumarin karo.”

Dhankiisa Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka, Wasiirka waxyaabihii ay ka wada hadleena ay ka mira dhalin doonaan.