Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan wadanka Mareykanka ayaa magaalada Washington kulan kula qaatay madaxweynaha Cusub ee Bankiga Adduunka Mr.David Malpass. Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Bankiga Adduunka David Malpass ayaa kulankooda uga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa Howlaha dib u -habeynta Hay’adaha Dowladda...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiirada Dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Serbia ee lagu kala magacaabo Choi Yeonghan iyo Dragan Zupanjevac, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Danjire Choi Yeonghan oo ka socday Dawladda Koofurta Kuuriya ayaa sheegay inuu ku faraxsan...
Waxaa lagu wadaa in maanta Arbaco ah maagalada Garoowe lagu soo geba-gabeeyo shirka Goleyaasha Sharci-dejinta dalka oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka iyo guddoonada Baarlamaanada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, iyada oo Galmudug ay ka maqan tahay. Shirka oo noqonaya kii shanaad ayaa Isniintii...
shirka 140-aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu soo geba gebeyeey magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar,waxaana ka qeybgalay Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Waxaa shirkan la qabtaa sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada...
Waxaa sii xoogeysanayay saacadihii ugu danbeeyay wararka ku saabsan shaqo joojin Booliiska Soomaaliya ay ku sameeyeen hay’adda gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance oo ka mid ah hay’addaha gargaarka deg dega ah u fidiya dadka  gaar ahaan marka ay dhacaan qaraxyada. Madaxtooyada Soomaaliya iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed oo labaduba ka...
Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay kula kulantay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Muqdisho. Kulankan ayaa lagu gorfeeyay qaabka dowladda Qadar ay gacan uga geysan laheyd horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya. Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay kulanka inuu ku soo dhamaaday hanaan wanaagsan oo...
Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, halkaasoo uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu xiray. Sida ay sheegayaan wararka gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaano Runeyd ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu aad u xoogganaa,...
Waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ku sugan wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo halkaa uga qeybgali doona shir ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka iyo IMF. Shirkan ayaa intiisa badan lagu gorfeyn doonnaa hormarada ka jira gudaha dalka Soomaaliya iyo hannaanka maaliyadeed ee dalka,...
Xildhibaanno hore siyaasiyiin iyo ganacsato maanta kulan ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ku leeyihiin lacago iskugu jira mushaaraad iyo qaar lagu qabtay adeeg kaasi oo illaa iminkadaan lasiinin. Tan iyo bur burkii dowladda ayaa waxaa jiray isbitaalo si gaar ah loo leeyahay kuwaa oo lagu...
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay wershad sifayn-doonta baatroolka qaydhin oo dibeda dalka ka iman doona, taasoo laga hir-gelin doono maagaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Ugu horayn Madaxda shirkadda Singapore new Silk oo ah shirkadda mashruucani maal-gashiganaysa ayaa sheegtay inay awooda saari...