Duqa Muqdisho oo Amar Dul dhigay Shacab ku Nool dhulalka Dawladda Hoose ee Xamar.

0
64

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho Cumar maxamuud maxamed Cumar Finisha ayaaa Amar dul dhigay dad shacabka  sodonkii sanno ee la soo dhaafay Deegaan ahaan ka dhigtay Dhismaaysha Dowlada hoose ee Muqdisho

Gudoomiye Cumar ayaa muddo toban cisho ah u qabtay in looga guuro dhismayaasha Kooxda dowlada hoose ee xamer ee minashiibiyo isagoona sheegay in dadka halkaasi dagan looga baahan yahay in ay halkaasi ay ka guuraan maadaama hadda Maamulka Gobolka banaadir uu bilaabay qorshayaal ku aadan in dib u dayactir uu ku sameeyo Garoomada ay leeyihiin kooxda minishiibiyo ee dowlada hoose ee Xamer

Amarka Gudoomiyaha Gobolka ayaa imaanaya xili Xubno uu hogaaminayo Duqa Muqdisho ay wadaan dadaallo gacan Dowlada dib loogugu soo celinayaao dhulalka danta guud oo ay deegaameysandeen Dad shacab ah.