Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka...
https://youtu.be/isN5YAzvVGs Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa is-casilay kadib ku dhowaad afar bilood oo dibad-baxyo looga soo horjeeday xukunkiisa 30-ka sano, sida ay werinayaan wakaaladaha wararka. AP iyo Reuters ayaa labaduba qoray inay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ka ogaadeen in Al-Bashiir oo 75 jir ah uu xilka ka degayo, islamarkaana...
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay isu soo bax Roob doon ah oo Eebbe lagu waydiisanayo raxmaddiisa, maadaama dalka ay ka jirto abaar saamayn xooggan ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada. Isu soo baxaan Roob doon ka ah oo ka qabsoomay meel...
Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliye Ku-xiggeenka XDS ayaa  garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutub ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Danab, kuwaasi oo tababaro culus kusoo qaatay dalka aan walaalaha nahay ee Turkey. Cutubkaan ka tirsan Ciidanka Xoogga...
Militariga Maraykanka ayaa dib u bilaabay duqeynta ay ka wadaan Soomaaliya, duqeyntan cirka oo ay la beegsadaan Al Shabaab ayaa la hakiyey todobaadyadii lasoo dhaafay kadib markii warbixin ay soo saartay Hay’ada xaquuqul Insaanka ee Amnesty International lagu sheegay in Maraykanka dad badan oo rayid ah sanadihii lasoo dhaafay...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maal mahaan ku sugnaa magalaada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa kulan balaaran la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka Cristine Lagarde. Labada dhinac ayaa kulan kooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta...
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maanta u dabaal dagaya sanadguurada 59 Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. “Ugu horreyntii Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  waxaan HAMBALYO, HAMBALYO, leeyahay  dhammaan...
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton. Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u...
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xassan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada. Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu...
Shirkan oo furmay maalintii Axadda ee 7-da Abriil ayaa lasoo gabagabeeyay ayadoo intii uu socday looga doodayay cutubyada 6-aad, 7-aad iyo 9-aad ee dastuurka oo ay soo diyaariyeen guddiga baarlamanka iyo gudiga madaxa bannaan, waxaana doodda ka qeybgalay madaxda wasaaradaha dastuurka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo xubno ka...