Beesha Caalamka Oo Soo Dhoweysay Tanaasulkii Uu Farmaajo Ka Sameeyay Dacwada Badda Soomaaliya.

0
137

Beesha caalamka ayaa si diirran usoo dhoweeyay tanaasulkii uu Farmaajo ka sameeyay dacwada dhanka badda ee kala dhaxaysay dowladda Kenya.

Warmurtiyeed si wada jir ah ay usoo saareen dowladaha Iyo ururada Labaxay Beesha Caalamka oo ay soomaaliya qeyb ka tahay ayaa Farmaajo ku bogaadiyay is fahamkii uu lagaaray dowladda Kenya.

Dhinacyada warmurtiyeedka soo saaray oo ay kamid yihiin dowladaha Uganda,Itoobiya iyo Mareykanka ayaa dhammaantood muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in dowladda Farmaajo ogolaatay in dacwada badda lagasoo wareejiyo maxkamadda ICJ.

“Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya sheegtay in Farmaajo ogolaaday in murunka dhanka badda si hoose loo xalliyo lagana tanaasulo dacwada taal maxkamadda ICJ.

Dowladda Kenya ayaa geed dheer iyo geed gaaban ugashay sidii ay u xalaalaysan laheyd qeyb kamid ah badda Soomaaliya oo sanaddii 2009 uu u saxiixay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo xilligaas ahaa wasiirka qorshaynta dowladdii Shariif Sheekh Axmed.