Ayman Al-Zawahiri oo Xaaladdiisa Caafimaad Laga Soo Dayrinayo.

0
111
Kumaa hadda maamula al-Qaacida?Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in hogaamiyaha ururka Alqaacida Ayman Al- Zawahiri uu caafimaadkiisu aad u liito kadib geeridii Hamza bin Laden.

Hamza ayaa muddo dheer loo arkaayey inuu yahay dhaxalka suurtagalka ah ee aabihiis Osama, kaasoo maamulayay weeraradii  9/11 isla markaana ahaa hogaamiyaha shabakada jihaadiyiinta ilaa ay dileen ciidamada Mareykanka sanadkii 2011.

Ayman al-Zawahiri ayaa weli ah madaxa al-Qaacida, laakiin khubarada UN-ka ayaa toddobaadkan sheegay in la sheegay inuu caafimaadkiisu liito’, taasoo abuurtay ‘shaki ku saabsan sida kooxdu u maareyn doonto cidda badelidoonta.

Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in Hamza uu dhintay, kadib weerarkii Maraykanku la beegsaday bishii september ee sanadkaan, weerarkaas oo ka dhacay xuduuda Pakistaan iyo Afganistan.

Cidda kale ee la wareegi kartaa hoggaanka ka Alqaacida ayaan caddayn, maadaama ninkii kale ee ugu saameynta badnaa, Nasir al-Wahishi, la diley sannadka 2015 mana jiro wax kala sarreyn ah oo cad oo jirta.

Si kastaba ha noqotee, guddiga UN-ka ayaa ka digay in al-Qaacida ‘ay wali adkeysi leedahay’ waxayna sheegeen in ay hadda awood badan ku leeyihiin Yemen, Soomaaliya iyo inta badan Galbeedka Afrika.

Intaa waxaa sii dheer, al-Qaacida waxaa laga yaabaa inay u diyaar garowdo inay dib u hesho xoogaa taageero ah oo ka yimaadda ISIS ka dib markii ururkaas burbur xoogan uu ka yimid lana dilay hogaamiyahoodii.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in Illaa 30,000 oo kamid ah dagaalyahannadii ISIS ay wali nool yihiin qaar kamid ahna ay ku biiri karaan al-Qaacida iyo kooxaha la xiriira.