Thursday, July 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka Yemen iyo Soomaaliya, isagoo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha labada dal. Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay si adag u dhaliilay nidaamka Federaalka ee ka jira gudaha Soomaaliya. Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u sheegay in nidaamka Fedaraalka oo 22 sano ka jira gudaha dalka inuu noqday mid aan waxba ku soo kordhin dalka. "Nidaamka...
Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan ayaa si adag uga hadlay talaabooyinka ay Somaliland u qaaday dhinaca Israa’iil ee la xariira aqoonsiga. Sheekh Mustafe ayaa si qotodheer uga hadlay dhibaatooyinka ay leeyihiin Yuhuuda, isagoo xusay in Yahuudu dhibaatooyinka ay u geysateen Muslimiinta...
Tobannaan kun oo reer Minnesota ah ayaa Jimcihii isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis, si ay uga mudaaharaadaan kordhinta howlgallada sharciyada socdaalka ee dowladda federaalka — iyagoo dalbanaya xuquuqdooda madaniga ah iyo in dib loo celiyo 3,000 askari oo uu maamulka Madaxweyne Donald Trump u soo diray gobolkaas. Mudaaharaadku wuxuu...
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado amni, siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u adag, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo isbahaysi goboleed oo xooggan, gaar ahaan mid lala yeesho Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar. Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay...
Midowga Yurub ayaa ku boorriyay isbahaysiga mucaaradka Soomaaliya inay aqbalaan casuumaadda dowladda ee ka-qaybgalka madasha wadatashiga qaran, isaga oo ku baaqay wada-hadal loo dhan yahay si xal loogu helo ismariwaaga siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee ku saabsan doorashooyinka soo socda. Baaqan ayaa yimid xilli Midowga Yurub uu soo dhoweeyay casuumaadda...
) - Safaaradda Boqortooyada Midowday ee UK ku leedahay Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo la filayo in bisha soo socota lagu qabto magaalada Muqdisho. Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay safaaraddu ayaa lagu...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan magaalada Davos ee Switzerland halkaas oo ka socdo Shirka Dhaqaalaha Adduunka, ayaa la kulmay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog. Madaxweyne Herzog oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo xidhiidhka cusub ee ay yeesheen Somaliland iyo Israa’iil, isla...
Puntland ayaa soo bandhigtay afar xubnood oo ka tirsan ururka Daacish (ISIS), kuwaas oo si iskood ah isugu soo dhiibay ciidamada amniga ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay in xubnahan ay doorteen inay isdhiibaan, isla markaana la marin doono baaritaanno dhanka amniga ah...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu saakay dib uga qarxay gudaha magaaladaas dagaal culus oo u dhaxeeya kooxda Al-shabaab iyo ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan,...