Tuesday, June 2, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 17-aad oo uu shir guddoomiyey guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Aadan Madoobe. Kulankan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxay uga hadleen qodobo dhowr ah oo xasaasi...
Israa’iil ayaa digniin u dirtay Soomaaliya, iyadoo Shay Gal, oo ah lataliye sare oo katirsan Dowladda Israel, uu sheegay in Soomaaliya ay hadda noqotay meel uu saamayn weyn ku leeyahay Turkiga,halkaas lagu tijaabinayo gantaalka Tayfun oo Turkigu, kaas oo lagu hanjabay Griiga iyo Israa’iil. Shay Gal, oo sidoo kale ahaa...
Dowladda Federaalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, arrinta oo si weyn u soo dhaweysay dowladda Soomaaliya. Go’aanka ayaa lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-dii December 2025, Aqoonsigan cusub ayaa meesha ka saaraya xayiraadihii hore ee ku saabsanaa...
Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta mar kale si adag uga hadlay burburinta ay weli ku wado dowladda Fedaraalka dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed uu soo saaraya Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay wali ka socdaan...
Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa sheegay inay jiraan warar rasmi ah oo sheegaya in waaxda socdaalka Mareykanku ay wado howlgal ballaadhan oo lagu badhtilmaameedsanayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis iyo St. Paul, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maalmihii u dambeeyay kordhiyay weerarrada afka ee uu ku hayo...
Maraykanka ayaa diyaarinaya howlgal gaar ah oo lagu beegsanayo dadka ajaanibta ah ee ku sugan gobolka Minnesota, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya muhaajiriinta Soomaaliyeed ee si sharci-darro ah ugu nool gudaha Maraykanka, sida uu sheegay qof xog-ogaal u ah qorshahan. Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald...
Ciidamada ilaalada Madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaa rasaas kor u riday xilli uu maanta ka dhoofayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo safar ugu ambabaxay waddanka Imaaraatka Carabta. Rasaasta ayaa la maqlay kadib muran soo kala dhex galay ilaalada Madaxweyne-hore Biixi iyo ilaalada garoonka, iyadoo mid ka mid...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminaayay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Richard H. Riley. Wafdiga Danjire Richard H. Riley ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha...
Xirnaanshiyaha Suuqa weyn ee degmada Xamarweyne ee Goblolka Banaadir ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, kaddib markii ganacsatadu ay sheegeen in ay ku adkaatay culeysyo cusub oo dhinaca canshuuraha ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in xafiiska dakhliga ee Wasaaradda...
Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir, ayaa maanta ka hadlay howlgalada ay ciidamada ammaanku ka wadaan degmada Walanweyn iyo deegaannada hoos taga, isaga oo ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada Milateriga iyo Darawiishta Koonfur Galbeed oo uu sheegay inay si buuxda u xasiliyeen xaaladda degmada. Wasiirka ayaa sidoo kale...