Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyagoo diiradda saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo saameynta ka dhalatay culeysyada caalamiga ah ee sii kordhaya.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada waxaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan fatahaadaha webiyada dalka iyo halista sii kordheysa ee ku wajahan ilaha biyaha, kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Sidoo kale, Golaha ayaa dhegeystay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xiisadda ka taagan Marin-biyoodka Hormus, taas oo saameyn ku yeelatay sicirka badeecooyinka gudaha dalka.
Warbixinta oo ay diyaarisay Hay’adda Tirakoobyada Qaranka ayaa muujisay in boqolkiiba 40 ay hoos u dhaceen badeecooyinkii dalka soo geli jiray, arrintaas oo sababtay koror ku yimid qiimaha cunnada oo gaaray 10%, halka adeegyada caafimaadka ay sare u kaceen 14%, iyadoo badeecooyin kale ay iyaguna la kulmeen sicir barar ka badan heerarkaas.
Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday tallaabooyinka ugu habboon ee lagu yareyn karo culeyska saaran shacabka, waxaana la faray wasaaradaha ay khuseyso inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.
Dhanka kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan diyaar-garowga xajka sanadkan, iyadoo la sheegay in xujeyda Soomaaliyeed loogu sameeyay terminal gaar ah Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ammaanay xaaladda amni iyo xasillooni ee ka jirta qeybo badan oo dalka kamid ah, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo wadajirka, isagoo ka digay fal kasta oo lagu carqaladeyn karo amniga dalka.













