Horyaalka Premier League oo Kooxda Arsenal ku Guuleysteen Markii ugu Horeysay Muddo 22 Sano Kadib.

0
7

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalka markii ugu horreysay muddo 22 sano ah, kadib markii kooxda ay barbaro 1-1 ah la gashay .

Guushan ayaa soo afjartay sugitaan dheer oo taageerayaasha Arsenal ay ku jireen tan iyo xilli ciyaareedkii 2003/2004, markaas oo kooxda ay ku qaaday horyaalka iyadoon laga badin.

Kooxda uu hoggaamiyo tababaraha reer Spain ayaa inta badan hoggaanka horyaalka haysay xilli ciyaareedkan, inkastoo rajadooda ay mugdi gashay bishii Abriil kadib guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Manchester City.

Si kastaba, Arsenal ayaa dib isu abaabushay waxayna ugu dambeyn ka hor istaagtay kooxda uu maamulo inay markale hanato horyaalka.

Guushan ayaa sidoo kale soo afjartay lix sano oo Arsenal aysan wax koob ah ku guuleysan, iyadoo horyaalkani uu noqday abaalmarintii labaad ee weyn ee uu Arteta ku qaado tababarenimada kooxda tan iyo markii uu yimid garoonka ay Kooxdaani ku Ciyaarto, hal Shaqo ayaa u harsan waana Finalka ay wada taagan yihiin iyada iyo Kooxda ka dhisan France ee PSG.

Dabaaldegyada qaadista koobka ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan garoonka maalinta Axadda ah, iyadoo taageerayaasha Arsenal ay isu diyaarinayaan xaflad weyn oo lagu xusayo guushan taariikhiga ah.