Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa si kulul u difaacay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in dalka uu ka gudbay nidaamkii doorashada dadban ee muddo dheer lagu soo dhaqmi jiray.
Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiisyo badan oo hore loo galay ay si cad u qeexayaan...
Xuutiyiinta Yemen ayaa si rasmi ah ugu biiray dagaalka Bariga Dhexe, iyagoo bilaabay weerarro ay ku qaadeen Israa’iil, taas oo muujinaysa wejigii ugu dambeeyay ee colaadda sii fidaysa. Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal lagaga soo riday dhanka Yemen aroornimadii Sabtida, taasoo noqotay markii ugu horreysay ee weerar toos...
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa barbaro 0-0 ah la galay dhiggiisa Mauritius kulan ka tirsanaa wareegga hore (isreeb-reebka) tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON), kaas oo la ciyaaray fiidnimadii Jimcaha.
Kulanka ayaa ahaa mid dhexdhexaad ah marka la eego tayada ciyaarta, iyadoo labada dhinacba aysan awoodin inay abuuraan fursado halis ah oo...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ismaaciil Shire Jaamac, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Asad Cabdirisaaq Maxamed.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobbada 120-aad iyo 117-aad ee...
Taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ku biiro dagaalka Bariga Dhexe haddii uu sii socdo, isaga oo si cad u muujiyay taageerada uu u hayo Israa’iil.
Qoraallo taxane ah oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), ayuu Kainerugaba ku sheegay...
Puntland ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin siyaasadeed oo ay ku difaacayaan madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay duulaan qaawan ku qaadday maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa hadalkan ka sheegay shir uu ku qabtay Garoowe, isagoo ku eedeeyay...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda ee ku saabsan magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Waxaana Xilkii laga qaaday Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaanay “Taliye Shub”, oo ah sodoga Madaxweynaha Maamulka...
Boqolaal ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha, oo ah suuqa ugu weyn dalka, ayaa maanta dhigay bannaanbax ballaaran kadib markii ay sheegeen in dowladda ay amartay in la xiro suuqa isla markaana laga guuro, iyadoo la qorsheynayo in dhulkaas lagu wareejiyo ganacsato maalqabeenno ah oo xiriir la leh dowladda.
Ganacsatada...
Howlgalka badda ee Midowga Yurub ayaa ka digay khatar burcad-badeednimo oo ka jirta meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, kaddib warbixin muujinaysa in dooni la afduubtay loo adeegsan karo weerarro kale.
Xarunta la socodka amniga maraakiibta ee Maritime Security Centre Indian Ocean, ayaa faafisay xogtan, iyadoo sheegay in dooni laga leeyahay...
Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xaaladda colaadeed ay weli sii kacsan tahay, iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale ku celiyay in wada-hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, Tehran ayaa si adag u beenisay arrintaas, iyada oo ku tilmaantay “war aan...


















