Somaliland ayaa shaacisay in ay qorshaynayso in ay safaaraddeeda ka furto magaalada Qudus ee muranka badan ka taagan yahay, halka Israa’iil ay sidoo kale ka furan doonto safaarad magaalada Hargeysa, sida uu sheegay danjiraha Somaliland ee Israa’iil, Maxamed Hagi.
Hagi ayaa sheegay in tallaabadani ay ka dhalatay is-afgarad cusub oo labada dhinac dhex maray, taas oo uu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya labada dhinac.
Arrintan ayaa dhalisay doodo siyaasadeed oo kala duwan. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ee Somaliland ayaa sheegay in go’aankaasi uu Somaliland u keeni karo cadaadis diblomaasiyadeed iyo cadowtinimo cusub, maadaama Qudus ay tahay magaalo si weyn loogu muransan yahay, oo kamid ah dhulka ay Israa’iil Xooga kaga qaadatay dadka reer Falastiin.
Dhanka kale, qaar kale ayaa ku doodaya in Somaliland aanay si toos ah u go’aamin karin halka ay safaarad ka furanayso, maadaama Israa’iil ay tahay dalka martigelinaya, isla markaana ay iyadu dejiso xeerarka iyo siyaasadda ku saabsan furitaanka safaaradaha.
Qodobkan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo Qudus horey u noqotay xarun ay dalal dhowr ah u rareen safaaradahooda, inkastoo ay weli tahay mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan siyaasadda Bariga Dhexe.













