Ururro caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ayaa ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo hay’adaha gargaarka inay si degdeg ah u kordhiyaan maalgelinta gurmadka Soomaaliya, isla markaana dib loogu soo celiyo helitaanka sanduuqyada gargaarka, ka hor inta aysan xaaladdu sii xumaan.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen hay’ado ay ka mid yihiin Save the Children International, World Vision International iyo Plan International ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 6.5 milyan oo qof ay wajahayaan cunto yari ba’an, halka in ka badan 1.8 milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo darro daran.
Ururrada ayaa sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha gargaarka uu Soomaaliya gelinayo xaalad khatar ah, xilli baahida bani’aadantinimo ay sii kordhayso. Sida lagu sheegay bayaanka, qorshaha ka jawaabista xaaladaha bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa hoos uga dhacay qiyaastii $1.42 bilyan sanadkii 2025 ilaa $852 milyan sanadkan 2026.
Hay’adaha ayaa sidoo kale sheegay in haweenka iyo carruurta ay yihiin kuwa ugu daran ee ay dhibaatadu saameysay, iyadoo ay sii kordhayaan barakaca, cudurrada, tacaddiyada iyo waxbarasho la’aanta.





