Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Guddiga Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa'iil ay ku magacawday danjire diblomaasiyadeed oo u fadhiya Somaliland, isagoo sheegay in arrintani ay keeni karto khatar ku aaddan xasilloonida Geeska Afrika. Warsaxaafadeed uu guddigu soo saaray Axadda maanta ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu si buuxda u taageersan...
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa mar kale si xooggan u soo hadal qaaday baahida dalkiisa u qabo marin badeed, isaga oo markan u rogay dood ku saabsan amniga qaranka iyo madaxbannaanida xogta. Hadal uu ka jeediyay telefishinka dowladda iyo wareysi uu siiyay warbaahinta ETV, ayuu ku sheegay in...
Shir ku qabsoomay magaalada Antalya ee dalka Türkiye, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika. Wasiir Badr Abdelatty ayaa...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka ka dhici doona qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, oo ay ka mid yihiin Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in doorashooyin isku xiran lagu...
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u soo magacawday Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xoghaynta guud ee ururka. OIC ayaa sheegtay in tallaabadan ay u aragto mid xadgudub ku ah madax-bannaanida, midnimada qaran iyo wadajirka dhuleed ee...
Magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u hirgelisay amar uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo lagu farayay ganacsatada in ay ay aqbalaan isticmaalka Shilinka Soomaaliyeed. Amarkan ayaa yimid kaddib maalmo ay jireen cabashooyin la xiriiray in ganacsato badan ay diideen qaadashada lacagta maxalliga ah,...
Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ku dhawaaqista heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa dadaallo lagu dejinayo xiisadaha isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu...
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday imaatinka markabka casriga ah ee qodista shidaalka “Çağrı Bey”, kaas oo durba soo gaaray biyaha Soomaaliya, una taagan tallaabo weyn oo dhanka horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Sida ay sheegtay Wasaaradda, markabka “Çağrı Bey” ayaa lagu wadaa...
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay kursi ka mid ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), taasoo ah markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay golahan sanadkii 2003, waxaana tani loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah dalka. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga...
Maraykanka iyo Iran ayaa gaadhay heshiis xabad-joojin ah oo soconaya laba toddobaad, si loo furo waddo wada-hadal lagu dejinayo xiisadda sii kordhaysay ee u dhexeysa labada dhinac. Madaxweynaha Maraykanka  ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyay weerarro militari oo la qorsheeyay, kadib markii Iran oggolaatay inay dib u furto marinka istiraatiijiga ah...