Madaxweynihii Hore Maxamed Farmaajo oo Sheegay in uu Marti qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

0
3

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto kulan ay yeeshaan Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaashii hore, si xal siyaasadeed loogu helo khilaafka sii xoogeysanaya ee dalka ka taagan.

Farmaajo ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu martiqaadayo Xasan Sheekh Maxamuud kulan ka dhaca hoygiisa, kaas oo uu sheegay in looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, amniga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in xalinta khilaafaadka siyaasadeed ay tahay in ay Soomaalidu dhexdeeda ku dhammeysato, isaga oo tilmaamay in aan loo baahnayn faragelin dibadeed haddii madaxda Soomaalida ay diyaar u yihiin wada-hadal iyo is-afgarad.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isagoo ku dooday in murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo maamulka dalka ay saameyn ku yeesheen amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Wuxuu ku celiyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya miiska wada-hadalka, isaga oo ku baaqay in la joojiyo xiisadaha iyo iska horimaadyada jira, laguna beddelo wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu door ka qaato dadaallada lagu xallinayo khilaafka, isaga oo ku boorriyay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay mudnaanta siiyaan danta qaranka iyo midnimada dalka.

Waxa uu ku dooday in Somaliland ay sii fogaatay, halka Puntland uu sheegay in ay taagan tahay meel walaac leh iyadoo sugaysa jihada siyaasadeed ee dowladda dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay weli ka taagan yihiin muranno siyaasadeed oo u baahan xal wadatashi ku dhisan.

Wuxuu sheegay in haddii aan xal loo helin khilaafaadka jira ay sii kordhi karto kala fogaanshaha dhinacyada siyaasadda, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.