Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo geeddi-socodka doorashadu uu galay marxalad cusub.
Musharraxiinta ugu horreeya ee si rasmi ah isu diiwaangeliyay waxaa ka mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo hore u soo noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaas oo ka guddoomay guddiga shahaadada musharraxnimada, Tallaabadan ayaa si rasmi ah uga dhigaysa mid ka mid ah siyaasiyiinta ku loolamaya hoggaanka maamulka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa isna qaatay shahaadada musharraxnimada, isagoo si rasmi ah ugu biiray tartanka doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed.
Labada siyaasi ayaa loo arkaa inay yihiin musharraxiinta ugu muuqda ee ilaa hadda isu soo taagay xilka.
Shariif Xasan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii hore uga soo horjeeday jihada siyaasadeed ee dowladda federaalka, hase yeeshee wuxuu markii dambe taageeray hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, arrin loo fasirtay inuu la jaanqaaday isbeddellada siyaasadeed ee dalka ka socda.













