Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada munaasabadaha lagu xusayo sanad-guuradii 66-aad ee maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay ku saleysan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka iyo mas’uuliyadda dowladda ka saaran xuska maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada dalka.
Guddiga ayaa loo xil saaray diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha xorriyadda iyo midnimada, iyadoo sidoo kale uu ka shaqeyn doono xiriirinta hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ee ka qeyb qaadanaya dabaaldegyada.
Waajibaadyada guddiga waxaa kale oo ka mid ah qorsheynta iyo maareynta kharashaadka ku baxaya xuska, magacaabista guddi farsamo oo abaabula munaasabadaha kala duwan, iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha la xiriira dabaaldegyada.
Guddiga cusub waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha gudaha, Cali Yuusuf Cali, (Cali Xoosh) halka xubnaha kale ay ka kooban yihiin wasiirro, wasiiru-dowlayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.













