Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay inay hesho marin-badeed, isagoo xusay in Somaliland diyaar u tahay inay kala hadasho baahiyahaas dowladda Itoobiya.
Wareysi uu siiyay wargeyska Itoobiya ka soo baxa ee The Reporter, ayuu wasiirku ku sheegay in Somaliland ay si buuxda u fahamsan tahay baahida Itoobiya u qabto marin-badeed iyo deked ay isticmaasho, isla markaana ay mar walba diyaar u tahay wadahadal ku saabsan arrimahaas.
“Waxaan diyaar u nahay inaan dowladda Itoobiya kala hadalno baahiyahooda ku saabsan deked ama marin-badeed. Waxaan fahamsanahay baahidooda, waana walaalaheen, haddii ay jirto waddo aan ku caawin karno diyaar ayaanu u nahay,” ayuu yidhi wasiirku.
Cabdiraxmaan Bakaal ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya, isagoo Itoobiya ku tilmaamay saaxiibka iyo xulafada ugu dhow ee Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika.
Wasiirku wuxuu sheegay in Dekedda Berbera iyo marinka ganacsi ee isku xidha Itoobiya ay weli diyaar u yihiin in Itoobiya si buuxda uga faa’iidaysato, isaga oo xusay in awoodda dekedda aan weli si buuxda loo adeegsan.
Mar uu ka hadlayay heshiiskii is-afgaradka ahaa (MoU) ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen bishii Janaayo 2024, ayuu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) aanay wax isbeddel ah ku samayn siyaasadda ku wajahan Itoobiya, islamarkaana ay weli diyaar u tahay wadahadal kasta oo dan u ah labada dhinac.
Wasiirka ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in Itoobiya mustaqbalka aqoonsato Somaliland, inkasta oo uu sheegay inaanay Somaliland cadaadis saarin Addis Ababa. Wuxuu ku dooday in Itoobiya ugu dambayn garan doonto in Somaliland tahay dal xasilloon, nabdoon, isla markaana ah lamaane lagu kalsoonaan karo.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Somaliland aanay martigelin ciidamo shisheeye, isagoo xusay in xadka Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid ka mid ah xuduudaha ugu amniga badan gobolka.
Wareysiga ayuu sidoo kale ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku andacooday in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo dib ula soo noqday xorriyaddii ay heshay sannadkii 1960, halka uu ku tilmaamay Soomaaliya dal muddo dheer la daalaa dhacayay xasillooni darro iyo amni xumo.













