Thursday, July 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisu la xidhiidhay ugu yaraan toddobo dal si ay uga qayb qaataan sugidda ammaanka marinka muhiimka ah ee Hormuz, xilli xiisadda dagaal ee u dhexeysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan ay weli saameyn ku yeelanayso gaadiidka shidaalka ee caalamka. Trump ayaa warbaahinta kula hadlay...
Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay inuu ka baxsaday dalkiisa kadib laba bilood oo uu dhuumaalaysi ku jiray, isagoo ka baqayay in ay qabtaan ciidamada ammaanka kadib doorashadii madaxtinimada ee muranka dhalisay bishii Janaayo. Bobi Wine, oo magaciisa rasmiga ah yahay Robert Kyagulanyi Ssentamu, ayaa muuqaal shan daqiiqo...
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa difaacday maraakiibta kalluumeysiga ee Shiinaha ee ka howlgasha biyaha Soomaaliya, iyadoo beenisay in ay si sharci ah u shaqeeyaan, isla markaana ay haystaan rukhsado rasmi ah oo ay siisay dowladda federaalka. Wasaaraddu waxay sheegtay in maraakiibtan ay u hoggaansamaan shuruucda Soomaaliya...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Iran ay la soo xidhiidhay si loo gaadho heshiis cusub, hase yeeshee uu xusay in shuruudaha ay soo jeediyeen aanay weli ku filnayn dhinaca Maraykanka. Wareysi uu siiyay NBC News, Trump ayaa sheegay in Tehran ay muujisay rabitaan ku aaddan wadahadal, balse...
Safaaradda Maraykanka ee ku taalla caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu weeraray gantaal Sabtidii maanta, isaga oo ku dhacay gudaha xarunta safaaradda, taasoo sababtay qiiq ka kacay dhismaha. Ilo amni oo Ciraaqi ah ayaa u sheegay telefishanka Aljazeera in weerarkaasi uu waxyeello u geystay qayb ka mid ah nidaamka...
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wang Yi ayaa kulan  la yeeshay diblumaasiyiinta China ee ka howlgala Muqdisho, isagoo kala hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Soomaaliya, sida Alshabaab iyo Daacish. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sida Beijing ay u xoojin karto ilaalinta muwaadiniinteeda...
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan gobollada Mudug iyo Hiiraan. Sida lagu sheegay Bayaan ay soo saartay NISA, Howlgalladan ayaa lagu dilay in ka badan 22 dhagarqabe oo abaabulayay...
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka weerar ku qaaday koox ciidamo ah oo ka gadoodsan mushaar la’aan, kuwaas oo tan iyo shalay xiray waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho. Iska hor imaad muddo kooban socday kaddib ayay ciidamada Puntland ku guulaysteen inay dib u furaan waddada,...
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis isfaham (MoU) la saxiixatay gobolka West Virginia ee dalka United States, kaas oo diiradda saaraya iskaashi ku saabsan sahminta, soo saarista, farsamaynta iyo horumarinta macdanta muhiimka ah. Sida ay sheegtay wasaaraddu, heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso qaab...
Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulkeeda loo adeegsado meel laga bilaabo hawlgallo militari, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya sheegaya in Israa’iil qorshaynayso inay saldhig ciidan ka dhisto Somaliland, si duullaan looga qaado Xuutiyiinta dalka emen. “Soomaaliya ma rabto in dhulkeeda lagu soo jiido iska-horimaadyo dibadeed ama loo...