Midowga Afrika oo Shir Deg Deg ah Yeelanaya Kadib Joojintii Dhaqaale ee Mareykanka uu Siinjiray Ciidamada AUSSOM.

0
7

Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray la-taliyeyaasha militariga ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), kaddib markii Mareykanku uu si rasmi ah u sheegay in uusan taageeri doonin sii socoshada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya dhammaadka howlgalka hadda socda ee AUSSOM, oo ku eg 31-ka Diseembar 2026.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Guddiga Midowga Afrika, kuna taariikhaysan 2-da Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in Ergada Mareykanka ee Midowga Afrika ay 1-dii Luulyo gudbisay qoraal rasmi ah (Note Verbale) oo lagu caddeeyay in Washington aysan taageeri doonin kordhinta taageerada UNSOS wixii ka dambeeya muddada oggolaanshaha AUSSOM.

Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in go’aankaasi uu yeelan karo saameyn ballaaran oo ku saabsan joogtaynta saadka, qaabka hawlgallada iyo maalgelinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, maaddaama howlgalka uu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada saadka ee Qaramada Midoobay.

Sida ku cad warqadda, kulan aan caadi ahayn ayaa lagu wadaa in lagu qabto xarunta Julius Nyerere Building ee Addis Ababa si looga arrinsado mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo.

Mareykanka ayaan diiddanayn in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo muddo xileedka AUSSOM, balse waxa uu kasoo horjeedaa in la sii wado taageerada saadka iyo hawlgalka ee ay Qaramada Midoobay bixiso.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay aaminsan tahay in, inkastoo ay bixisay balaayiin doollar oo lagu taageerayay amniga Soomaaliya, haddana dowladda Soomaaliya aysan weli gaadhin heer ay si buuxda ula wareegto masuuliyadda amniga dalka ama si wax ku ool ah u wiiqdo Al-Shabaab.

Go’aanka Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo maalgelinta AUSSOM ay horeyba u wajahaysay caqabado dhaqaale, waxaana diblomaasiyiin iyo khubaro amni ay ka digeen in haddii aan la helin hannaan kale oo lagu maalgeliyo howlgalka, ay halis geli karto sii socoshadiisa.