Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu kala diray maamulkiisii rayidka ahaa ee Marinka Qasa, isaga oo sheegay inuu awoodda ku wareejinayo guddi farsamo oo ay taageerayaan Qaramada Midoobay, taas oo qayb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee Maraykanku dhexdhexaadiyay.
Masuul ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in shaqaalaha farsamada iyo kuwa bixiya adeegyada dadweynaha ay sii wadi doonaan shaqadooda, balse ay ka hoos shaqayn doonaan Guddiga Qaranka ee Maamulka Qasa, kaas oo la filayo inuu si ku meel gaadh ah u maamulo arrimaha rayidka, sida ay qortay AP.
Xamaas ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid muujinaysa sida ay uga go’an tahay dib u dhiska Qasa, hase yeeshee may caddeyn inay hubka dhigeyso ama ay maamulka amniga ku wareejin doonto ciidan caalami ah, arrintaas oo ah qodobka ugu weyn ee weli la isku mari la’yahay.
Hay’adda cusub ee loo yaqaan Guddida Nabada, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isla markaana loo xilsaaray maamulka iyo dib u dhiska Qasa, ayaa sheegtay inay qiimeyn doonto tallaabada Xamaas iyadoo eegaysa ficillada dhabta ah, ee aysan ku salayn doonin ballanqaadyo. Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in guddiga farsamada uu si buuxda gacanta ugu dhigo dhammaan hubka yaalla Qasa, sida ku cad heshiiska xabbad-joojinta.
Afhayeenka Xamaas, Haazim Qaasim, ayaa sheegay in kala dirista maamulka ay tahay “tallaabo wanaagsan” oo lagu hirgelinayo heshiiska xabbad-joojinta.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay in tallaabada Xamaas ay tahay isku day ay uga fogaanayso hub ka dhigista, isaga oo sheegay in inta Xamaas hub haysato, maamul kasta oo rayid ahi uu ku shaqayn doono rabitaankeeda.
Guddida farsamada ee loo qorsheeyay in ay la wareegaan maamulka Qasa ayaa xaruntiisu tahay Qaahira, waxaana guddoomiye u ah Cali Shaath, oo hore uga tirsanaa Maamulka Falastiin. Guddigan ayaa loo xilsaaray dib u soo celinta adeegyada aasaasiga ah iyo maamulka arrimaha rayidka, isagoo ka shaqaynaya kormeerka Qaramada Midoobay iyo Guddda Nabada.
Inkasta oo heshiiska xabbad-joojintu uu dhaqan galay sagaal bilood ka hor, haddana wada-hadallada u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa weli hakad ku jira, iyadoo la isku mari la’yahay hub ka dhigista Xamaas iyo qorshaha dib loogu dhisayo Qasa.













