Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, Marwo Naadiya Maxamed, oo booqasho ku timid Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ee horumarinta dalka iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Naadiya Maxamed guulaha ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qeybgalka siyaasadda Mareykanka, isagoo xusay in guulaheeda ay muujinayaan kartida iyo kaalinta ay Soomaalidu ku leeyihiin bulshada caalamka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay Duqa Magaalada St. Louis Park inay sii xoojiso dadaallada lagu kobcinayo xiriirka labada dal, isla markaana ay ka qeyb qaadato horumarinta maalgashiga, adeegyada bulshada iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Dhankeeda, Naadiya Maxamed ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha soo dhoweynta loo sameeyay, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.





