Tuesday, August 4, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Waxaa Maanta oo Sabti ah garoonka Kubadda Cagta Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho ka dhacaya banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan dowlada Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga. Qabanqaabadii ugu dambeysay ee banaanbaxa ayaa si weyn uga socota garoonka Injineer Yariisow oo ku...
Howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa walaac weyn ka muujiyay war-saxaafadeed kasoo baxay Ergayga Joogtada ah ee Ethiopia u fadhiya Qaramada Midoobay. Howlgalka Soomaaliya, ayaa sheegay in nuxurka war-saxaafadeedka uu soo saaray ergayga Ethiopia uu yahay mid lagu marin habaabinayo, isku dayga sharci-darrada ah ee ay Itoobiya ku doonayso dhul...
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay carqaladeyn lagu sameeyo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, gaar ahaan marka ay marayaan hawada gobolada Waqooyi ee Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiyey diyaarado isticmaalayay ama marayay...
Xukuumada Somaliland ayaa shacabkeeda ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqday in ay ka baxaan magaalada, kadib dilal loo gaystay qaar kamid ah. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in dilka loo gaystay Aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable, uu ka dhashay khilaafka hawada,  isaga oo ku tilmaamay...
Ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro arday ah iyo rag muqalasiin ah oo doonayay iney tahriibiyaan. Booliiska Jubbaland ayaa sheegay in dadkaan oo tiro ahaan gaaraya 13 ruux ay afar ka mid ah yihiin muqalasiinta tahriibineysay haatan ku jiraan gacanta Booliiska. "Howlgal 48 saacadood...
Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay kiis la xariira meydka Xildhibaan hore uga tirsana Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Axmed Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobolada Waqooyi ee Somaliland. Meydka Xildhibaan hore Axmed Aadan ayaa laga helay qol uu ka dagana hotel ku yaala degmada...
Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo la xariirta wiil dhalinyaro ah oo inta la afduubtay la dilay. Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in la garanayo ragii ka dambeeyay afduubka iyo dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ee lagu...
Madaxweynaha dowladda  Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, heshiiska iskaashiga dhanka difaaca ee ay la saxiixdeen Turkiga, in uusan ahayn mid lagula diririyo Ethiopia oo ay Soomaaliya ay kala dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiska badda. “Waxaan Turkiga u kaalmo weydiisanay ma ahan in Ethiopia lala dirirno, dal kale in lagu...
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay fadhiga koowaad ee dhageysiga dacwada loo haysto eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeyaan inuu gubay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis. Fadhiga koowaad ee Maxkamada ayaa maanta waxaa soo xaadiray labada dhinac ee dacwada quseeyso qareeno iyo dadweyne kale. Maxkamadda ayaa waxaa...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, uu fuli doono, isla markaana anay Soomaaliya hor istaagi karin. Madaxweynuhu waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay caddaysatay in ay aaminsantahay in Somaliland anay wax jira ahayn, isla markaana ay tahay gobol kamid...